Wednesday, May 22nd, 2013

Messi Halyeey Caalami ah iyo Farxada Reer Barcelona

Published on March 8, 2012 by   ·   No Comments

Halyeeynimada waa sii socotaa. Shantii goo lee Barcelona ka caawisay inay 7-1 ku dardaraan Bayer Leverkusen waxa ay keentay in Barca ay booska wareega 8da ay ku tagto si dhib la’aan ah iyadoo uga mahadcelineysa mucjisadeeda yare e Messi, waxaana uu laacibka sannadka adduunka isku qoray mar kale buuga taariikhda Champions League.

Iyadoo inta badan maanta si aad ah loo hadalhaayo Messi islamarkaana ciyaartoy badan ay fekerkooda ku aadan laacibkan ka hadleen, Laacib.net waxa ay fiirineysaa rikoorada iyo numberada cajiibka ah ee uu gaaray Messi.

3 – Messi ayaa haatan dhaliyay seddexleydiisii seddexaad ee Champions League isagoo barbareeyay rikoorka ninka heysta ee ugu seddexleyda badan Champions League ee Filippo Inzaghi. Kaliya seddex ciyaaryahan oo Barcelona ah Rivaldo, Ronaldinho iyo Samuel Eto’o ayaa hore seddexleey uga soo dhaliyay koobkaan kooxda reer Catalans. Sidoo kale waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee labo seddexleey dhaliyay hal xilli ciyaareed gudahiisa Champions League-ga.

3 – Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa ku guuleystay markii seddexaad abaalmarinta Ballon d’Or bilowgii sannadkan, waxaana barbareeyay rikoorkii Michel Platini oo seddex jeer oo isku xigta ku guuleystay abaalmarintan, lakiin Messi weli waa 24 jir.

4 – Messi waxa uu muddo seddex jeer oo isku xigta soo qaaday gooldhalinta Champions League, haatan waxa uu isha ku hayaa markii 4aad isagoo ku hogaaminaya 12 gool, hadii uu markii 4aad qaado waxa uu barbareyn doonaa Gerd Muller halyeeygii Jarmalka oo isna afar jeer koobka European Cup qaaday gooldhalinta.

5 – Ciyaaryahanka reer Argentina waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee intii koobkan loo bixiyay Champions League ee shabaqa cusjiya hal kulan shan gool.

6 – Ciyaaryahanka ku dhashay Rosario waxa uu shabaqa ka soo taabtay lix tartan oo kale duwan oo uu xilli ciyaareedkan u saftay Barcelona oo kale ah La Liga, Copa del Rey, Spanish Supercopa, Uefa Super Cup, Club World Cup, iyo Champions League, waxaana hore sidaasi oo kale u sameeyay saaxiibkiisa Pedro 2009kii.

12 – Messi ayaa haatan ku hogaaminaya gooldhalinta Champions League 12 gool, waxaana uu durbaba barbareeyay goolashii uu xilli ciyaareedkii hore ku qaaday, waxaana uu haatan la saman yahay rikoorka goolasha ugu badan ee Champions League ee hal xilli ciyaareed oo uu heysto Nistelrooy oo dhaliyay xilli ciyaareedkii 2002-03. Lakiin Messi isaga ayaa rikoor cusub dhigi kara madaama ay macquul tahay inuu safto shan kulan oo ka hartay koobkan.
18 – Tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray kooxda reer Catalan 2005tii, Messi waxa uu ku guuleystay 18 koob.
24 – Kulankii lugtii hore ee Leverkusen, goolkii Messi ayaa keenay inuu dhigo rikoorka ninka ugu goolasha badan marka tartankan uu marayo wareega Knockoutka isagoo lahaa 19 gool, lakiin haatan rikoorkaas wuu dheereystay waxaana uu ka dhigtay 24.

49 – Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa leh wadar ahaan Champions League 49 gool.
53 – Messi ayaa xilli ciyaareedkii hore 53 gool  u dhaliyay Barcelona tartamada oo dhan waxaana ay isku mid ahaayeen Cristiano Ronaldo. Haatan kulamadii uu u ciyaaray wadankiisa iyo kooxdiisa ayuuba gaaray 53 gool, 48 ka mid ah waxa uu u dhaliyay xilli ciyaareedkan Barcelona tartamada oo dhan, waxaana uu heystaa 19 kulan oo macquul ay tahay inuu ciyaaro.
93 – Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa caawinaad ka geystay 93 gool intii uu u ciyaarayay kooxda reer Catalan, oo ay ku jirto 73 gool oo uu caaawinaad ka geystay afartii xilli ciyaareed ee u danbeysay iyo 20 gool oo uu caawinaad ka geystay kaliya xilli ciyaareedkan.
188 – Tan iyo markii Pep Guardiola uu tababare u nqoday Barcelona, Messi waxa uu dhaliyay 188 kulan, 201 kulan oo uu saftay mudadaas.

228 – Wadar ahaan ciyaaryahanka reer Argentina waxa uu ilaa iyo haatan Blaugrana u dhaliyay 228 gool, kaliya 7 gool ayuu u jiraa ninka abid ugu goolasha badan Barca ee Cesar Rodriguez oo leh 235 gool.




Wararka kale

alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!