Abu Mansur al-Amriki magaciisa dhabta ah waa Omar Hammami wuxuu ku dhashay kuna barbaaray magaalo ay degan yihiin dadka u badan nolasha dabaqada dhexe oo lagu magacaabo Daphne kana tirsan gobolka Alabama ee dalka Mareykanka.
Asalkiisu waa Suuriyaan oo waxaa dhalay Aabe Suuriya u dhashay hase yeeshee hooyadiis waa Mareykan waxaa jira warar sheegaya in Aabihiis Muslim ahaa hase yeeshee hooyadiis ay haysatey diinta Kirishtaanka gaar ahaan badhabta Bapist.
Omar Hammami (Abu Mansur al-Amriki ) wuxuu dhashay 6-dii bishii Mays anadkii 1984-tii, markii uu dhiganayey dugsiga sare wuxuu sheegan jiray in uu yahay Muslim, markiid ambe ee uu gudbay College-ka.
Sanadkii 2002-dii ayaa isaga tagey College-kii wuxuuna aaday magaalada Toronto ee dalka Canada snaadioi 2004-tii halkaasi oo uu ku guursadey haweenay Soomaali ah oo haysta dhalashada Canada taasi oo magaceeda lagu sheegay Sacdiyo Maxamed oo xiligii ay isbaranayeen aheyd 19 jir ayna isbareen qof ay qaraabo ahaayeen Sacdiyo, xiligaasi wuxuu Omar ka shaqeynayey dukaan lagu iibiyo cuntada xalaasha ah, iyadoo sidoo kale Sacdiyo ay ciyaari jirtey bassketballa-ka. 
Bishii June sanadkii 2006-dii isaga iyo xaaskiisii waxay ka soo guuraan dalka Canada waxayna degeen magaalada Alexandria ee dalka Masar.
Al-Amriki intii ku sugnaa dalka Masar waxay isku barteen barta Internet-ka gaar aahan goobaha lagu wad hadlo nin lagu magacaabo Daniel Maldonado oo Mareykan ahaa isla markaana qaatey diinta Islaamka sanadkii 2000 ninkaasi oo ka soo jeeda magaalada Methuen ee gobolka Massachusetts.
Wargeyska Boston Globe ayaa qoray in Daniel & Al-Amriki markii ay isbarteen ay go’aansadeen inay u kicitimaan Soomaaliya ayna ku biiraan dagaalada ka socda iyagoon u sheegin xaaskoodii.
Al-Amriki xiligasi hal gabar ayaa u joogtey halka Daniel oo xaaskiisa lagu magacaabo Tamekia ay isu dhaleen sadex gabdhood.
Al-Amriki & Daniel waxay Soomaaliya u soo duuleen bishii November sanadkii 2006-dii waxaana jira warar sheegaya in Al-Amriki markii uu yimid Soomaaliya uu guursadey haween kale oo Soomaali ah.
Abuu Mansuur Al-Amriki markii uu ku soo biiray dagaalyahaniinta Soomaaliya ka wada dagaalka ka dhan danaha reer Galbeedka wuxuu noqdey ragga ugu muhiimsan dhaqdhaqaaqyada Al-Qaacida iyo Al-Shabaab, firfircoonidiisa ayaa keentey in uu si fudud ku noqdo ragga ugu sareeya hawlgalinta.
Abuu Mansuur wuxuu si gaar ah u qaabilsanaa hawlgalinta dhalinyarada iyo tababaradooda, wuxuuna kuxigeen u noqdey Saalax Cali Nahbaan markii uu dhintey Saalax ee lagu badaley Fasul Cabdalla wuxuu sidoo kale gacan yare u noqdey Fasul Cabdalla.
link-ga VIDEO-ha hoose ka daawo hadalkii Abuu Mansuur Al-Amriki oo ka hadlaya shiqroolka lala damacsan yahay.Halkan Riix