Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka duulay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.
Gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa wehliya, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda KMG ah, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah iyo koox wariyeyaal ah, iyagoo ka dagay Magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade, Xildhibaan Afaraale, iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopia ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay, waxaana loo galbiyay gudoomiyaha barlamanka Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.
Gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay halkaasi ayaa waxaa uu kaga mahaceliyay Ciidamada Ethiopia howlgallada ay Magaaladaasi kaga saareen Xarakada Al Shabaab, iyadoo sidoo kale Saraakiil ka tirsan dowlada Ethiopia oo halkaasi ka hadlay ay dalbadeen in lagu gacan siiyo burburinta Al Shabaab.